Baarlamaanka Venazuela oo xasaanaddii ka qaaday Ninkii sheegtay madaxweynaha

Baarlamaanka dalka Venazuela ayaa xasaanaddii ka qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka dalkaasi Juan Guaido, kaas oo dhawaan sheegay in uu isagu yahay madaxweynaah saxda ah ee dalkaasi.

Go’aanka Baarlamaanka ayaa waddada u xaaraya in la soo xiro lana maxkamadeeyo Juan Guaido, kaas oo sheegashadiisa Aqoosi uga helay dalalka Mareykanka iyo qaar ka mid ah Midowga Europe.

xilka iyo xasaanad ka qaadista Ninkan waxaa amray Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee Baarlamaanka dalkaas Diosdado Cabello, kaas oo sheegay in Mr Guaido, uu jebiyay dastuurka dalka Venazuela.

Waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa ka mid ah sheegashada madaxweyne KMG ah, in dalka uu ku casuumay shisheeye sidoo kalena oggolaaday faragelin dibadda ah, taas oo ka hor imaneysa dastuurka dalka Venazuela.

Mustaqbal media

Read Previous

Kenya oo sheegtay in ay taageero buuxo u tahay AMISOM iyo Somaliya

Read Next

AMISOM welcomed capture of Sabib town from Al-shabab.