Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xarakada Al-shabab Bishii October ee la soo dhaafay ay dileen toban qof oo Ajaanib ah una badan Kenyaan.
Warbixin ay soo saartay Hay’adda sirdoonka Dalka Kenya oo kaashaneysa Hay’adaha Sirdoonka Mareykanka iyi UK ee CIA iyo MI6, ayaa lagu sheegay in Bishii la soo dhaafay labo jeer AL-shabaab ay sameeyeen toogasho wadareed kuna sameeyeen dagaalyahanno ajaanib ah.
Dadkaas waxaa ka mid ahaa dhowr qof oo Soomaali Kenyaan ah iyo Cawaale Axmed Maxamed oo Soomaali ah heystayna dhalashada UK.
Al-shabab ayaa Raggaas ku eedeeyay in ay u basaasayeen Hay’adaha sirdoonka ee waddamada ay dhalashada ka heystaan.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in Ragga la toogtay ay da’dooda u dhaxeysay 22 ilaa 36 jir,waxaana qeybta 1aad la toogtay 10kii October halka qeybta labaad la toogtay 12kii October laguna hor dilay boqolaal dadka Degmada Saakow ka tirsan.
Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in xubno Kenyaan ah oo ka baxsaday Al-shabaab ay xaqiijiyeen in weerarrada isqarxinta ah iyo Ciidamada lugta ee dagaalka gala badanaa Al-shabaab u adeegsato dadka ajannabiga ah si loo yareeyo saameynta ay ku dhex yeelan karaan Ururka loona hubiyo heerka daacadnimadooda.
Dowladda Kenya waxaa ay sheegtay in tobanka qof ee la toogtay ay AL-shabaab ku eedeeyeen in ay la shaqeeyeen Hay’adaha sirdoonka Dowladda Federaalka ah,Kenya, Ingiriiska iyo Mareykanka,islamarkaana mas’uul ka ahaayeen duqeyn loo geystay madax sare oo ka tirsan Al-shabab.
