MW Xasan Sheekh oo safar ku maraya deegaanno ka tirsan Galmudug ayaa gaarey magaalada Cadaado
Dowladda Kenya ayaa kordhisay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee deegaannada dhaca dhinaca Xadka Soomaaliya kaddib markii ay kordheen Kooxo hubaysan oo qaarkood beegsaday Saldhigyo ciidan, Xarumo maamul iyo Dad deegaan ah.
Saraakiil katirsan Hay’adaha Ammaanka Ismaamulka Mandheera ayaa sheegay in howlgalladaan looga jawaabayo weerarro ‘AS’ ay ka gaysteen dhowaan Deegaanka Lafey kuwaas oo khasaara kala duwan gaystay.
Kenya ayaa culays ka dareemaysa xubno katirsan ‘AS’ oo la sheegay in ay ku dhex dhuumaalaysanayaan dhulka u dhaxeeya Ismaamullada Soomaalida halkaas oo ay ka fuliyeen weerarro khaasara sababay.
Xukuumadda Nairobi oo fulinaysa amar horay uu u bixiyay Madaxweyne William Ruto ayaa sheegtay in ay kordhisay ciidamada la soconaya dhaqdhaqaaqa ‘AS’ ee deegaannada dhaca Ismaamullada xiga Soomaaliya.
Mustaqbal
