Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tababar usoo xiraya Ciidan lagu tababaray Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu tababar usoo xiro ciidamo katirsan Xoogga Dalka oo lagu tababaray Dugsi ciidan oo ku yaalla Deegaanka Xanan buure ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay la socdaan Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha ciidamada Dhulka, Saraakiil iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaaray Xerada Xanan buure.

Ciidamadaan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo kuwa Xoogga Dalka ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ku jira iyo askarta kale ee loo carbiyay la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya Mustaqbalka dhow sida hadalka loo dhigay.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Kenya oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Read Next

MW Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Militeriga Soomaaliya