Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ku wajahan Laascaanood

Wafdi ka socda ayaa ku wajahan magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari si ay u guda galaan xaaladaha bani aadamnimo ee halkaas ka jira iyo sida looga jawaabi karo fariimaha ka yimid u baahan caawinta.

Xubnahaan waxaa hoggaaminaya ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Bani aadannimo, George Conway

Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in ay gacan ka gaysato xaaladaha bani aadamnimo ee deegaannada maamulka Waqooyi Bari iyada oo horay looga diiwaangeliyay dadka dhibaatadu haysato ee caawinaadda u baahan.

La soco wixii kasoo  kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Erdogan “Masar waxa ay ku biiri kartaa heshiiska Difaaca ee Turkiga, Sacuudiga & Pakistan”

Read Next

Kenya oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Xadka ay la wadaagto Soomaaliya