Kenya: Nin Xaaskiisa u dilay farriin xilli Habeen ah ku soo dhacday Taleefankeeda

Nin 38 jir ah ayaa Xaaskiisa ku dilay degaanka Eldoret ee dalka Kenya kaddib markii xilli Habeen ah iyaga oo wada jooga ay  soo dhacday farriin jacayl.

Ninkan ayaa ka carooday farriinta waxaana uu billaabay in uu jirdilo Xaaskiisa oo 28 jir ahayd ilaa ay ka dhiig baxdo.

Qof ka mid ah deriskooda ayaa ku wargeliyay Booliska in Guriga diriskiisa ah ay qeylo ka dhaceyso una maleynayo in la isku dagaallayo.

Intaas kaddib Booliska ayaa gaaray Guriga,waxaa ay u tageen Haweeneydii oo dhiig baxeysa,ugu dambeyna waxaa ay ku geeriyootay Isbitaalka.

Mary Chesang,ayaa farriinta ka heshay Nin Ganacsade ah oo ay Rukun u ahayd,Boolisku waxaa ay sheegeen in Ninka ay xireen,islamarkaana weydiimo ku socdaan.

Mustaqbal media

Read Previous

Somalia’s NIEC to fulfill remaining MPs at Lower house of people

Read Next

Chelsea Oo Stamford Bridge Ku xasuuqday Arsenal.