MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Kooxda Leicester City ayaa shaacisay in ay heshiis cuusb oo gaaraya ilaa iyo 2022 ay ka saxiixatay weeraryahankeeda reer England ee Jamie Vardy.
31 jirkan oo isku diyaarinaya inuu ku qaato kooxda lagu naaneyso dawacooyinka xili ciyaareedkiisii 7-aad, ayaa kusoo dhaliyay maaliyada Leicester 88 gool , 233 kulan ee ah dhamaan tartamada kala duwan.
Jamie Vardy ayaa yimid kooxda Leicester City sanadkii 2012 wuxuuna ka sameeyay qaab ciyaareed aad u wanaagsan oo cajiib ah, wuxuuna ka mid noqday mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican horyaalka Premier League.
Laacibka reer England ayaa kadib marka uu saxiixay heshiiska cusub ee Leicester City ka warbixiyay dareenkiisa sida uu ugu faraxsan yahay inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa.
“Qof walba waa ogyahay sida aan dareemayo inaan u ciyaaro naadigan kubadda cagta, waxey iitahay dareen weyn oo aad u fiican, waxaan rajeynayaa afar sano oo kale inaan sii joogo”.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan sii joogi doono Leicester City xili ciyaareedka cusub ayuu yiri Vardy oo ka hadlayay dareen kiisa ”.
