Israel oo sharikad Mareykan ah Ruqsad u siisay in ay shidaal ka baarto buuraleda Golan

Maamulka Israel ayaa Ruqsaddii ugu horreysay oo shidaal looga baarayo Buuraleyda Golan ee ay Syria leedahay siisay sharikad shidaalka baarta oo uu leeyahay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka.

Sharikaddan waxaa lala xiriiriyay in uu leeyahay Dick Cheney, ayaa waxaa lagu magacaabaa Genie Energy.

Waxaa la siiyay ruqsad ay 153Mayl oo isku wareeg ah uga baarto shidaal, dhulkaas oo ku yaalla Koofurta Buuraleyda Golan Heights ee ay xoogga ku heysato Israel.

Buuraleydan waxaa ay ka mid tahay dhulka Carbeed ee ay Israel ku qabsatay dagaalkii lixda Bari ee Carabta iyo Israel ee dhacay 1967dii.

Mareykanka ayaa dhawaan aqoonsaday in Buuraleyda Golan Heights, ay leedahay Israel waxaase ku diiday Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo dunida Muslimka.

Web master

Read Previous

Wasiirka arrimaha Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa faro-maran kala soo noqday Dhuusamareeb.

Read Next

AMISOM Police expands its presence to Dhobley in Somalia’s Lower Jubba region