Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku guulaystay doorashadii shalay ka dhacday Jamhuuriyadda Jabuuti isaga oo helay 97% codadkii la dhiibtay, waa madaxweynihii ugu waqtiga dheera ee dalkaas soo qabtay, ballanqaadyo kala duwan ayuu shacabkiisa u sameeyay.
Markii lixaad ayuu shalay tartamay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxa xilka hayaa tan iyo sanadkii 1999 oo haatan laga joogo 27 sano, waxa uu xiligaan haystaa muddo xileed cusub marka la eego natiijada doorashada.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku jira Liiska Madaxda muddo dheer maamulaysay Dalalkooda ee Qaaradda Afrika, Shacabkiisa ayuu ka dalbaday in ay xoojiyaan ka shaqaynta horumarka si uu dalkiisa ula baratamo dalalka kale ee horumaray.
Madax kala duwan oo Caalamka ayaa u hambalyaysay, waxaana lagu wadaa in ay qaarkood gaaraan Jamhuuriyadda Jabuuti si ay uga qaybgalaan munaasabadda Calaamosaarka ah ee lagu wado in uu dhigto maalmaha soo socda.
Mustaqbal
