Inta Dhibsata Dhaliisha!

Ayadoo casho loo fadhiyo ayaa wiil aabihiis ku yiri, “Cuntadaada waxbaa ka qaldanee, aabbe horta baranbarada ma isku fiican tihiin?”.

Aabihii oo caraysan ayaa wiilkii ku yiri, “aamus waryaa, yaa ku baray akhlaaq xumadaas, ma waxaas oo kale ayaa ayadoo la cuntaynayo laga hadlaa?”.

Majaajiliste Walter Levitt oo ku dhiiri gelin jiray shacabka in ay madaxdoodu dhaliilaan ayaa marar badan sheega, “Dhaliisha waxay ka mid tahay qandaraaska qofka madaxda ah shaqada lagu siinayo, waa in uu aqbalaa.”

Sida qofka raba in uu lebisto uusan u ahaan karin miraayad la’aan, qofka hoggaammiyaha ahna miraayaddiisu waa inta dhaliisha. Weliba dhaliil daacad ah, oo waqtigeeda looga faa’ideysto, si aysan u dhicin in wax fashilmaya oo haddana kula wannaagsan aan dadaal, lacag, howl iyo waqti loogu lumin.

Markii ay miiska qadada ka kaceen ayaa aabihii oo la yaabban aamusnaanta wiilkiisa wuxuu intuu madaxa u salaaxay yiri, “Aabbe maxaad dooneysay inaad ii sheegto”. Wiilkii ayaa ku jawaabay, “waxba aabbe”..

Aabihii ayaa yiri, “Aabbe wax baranbaro ku saabsan soo iima aadan sheegin, maxaad i weydiin lahayd?”

Wiilkii ayaa ku jawaabay, “Saxankaaga waxaa saarneyn baranbaro, hadda waxba laga ma qaban karo, waad cuntay”.

Norman Vincent Peale, oo ahaa qoraa weyn oo Maraykan ah, laguna sifeeyo aabaha fikradda wannaag u fekerka “positive thinking”, badanaana necbaa dhaliisha, ayaa sanado badan oo uu u ololeynayay in la is ammaano, ammaantuna ay dhiirigelin iyo wannaag keento ayaa markii dambe ku qancay wannaagga dhaliisha, wuxuuna buuggiisa ugu dambeeyay ee This Incredible Century ku qirtay oraah caan baxday,

” Dhibaatada ugu weyn ee insaaniyadda heysata ayaa ah in xitaa dhaliisha na badbaadisa aan ka jecel nahay ammaan na halaagta”.

Markii ay arkeen wannaagga ay dhaliishu leedahay ayay dowladaha horumaray soo aliffeen mabda’a xurriyadda hadalka.

In lagu dhaliilo waa sharaf la shaqeysto, oo timaada marka aad hormuud u noqoto bulsho, ha noqoto mansab laguu doortay, cilmi aad hanatay ama xoolo iyo hal abuur aad leedahay. Adigoo aan lagu aqoon, cidna kuma dhaliisho, badanaana dhaliisha waxay ka timaadaa qof kaa itaal yar, sida in madaxweyne ay dhaliil uga timaaddo mucaarad, am macallin ay uga timaado arday, ama taliye saldhig ay uga timaaddo shacab. Waa sababta ay mufakiriin badan ugu qanceen in fikirka dhaliisha u kala qaadaya 1- mid wax dhista, iyo 2- mid wax dumisa uu yahay fikri duug ah.

Waxay dad badan ku qanceen in dhaliishu ay mid tahay, balse qofka awoodda leh ee la dhaliilayo ay ku xiran tahay hadba falka uu uga fal celiyo: fal celin wax dhista, am mid wax dumisa.

Helen Cixous, oo ah faylafoosad Faransiis ah ayaa tiri, “Inta aanan wax badan aqrin, oo aan wax barasho sare helin, ninkayga marka uu wax aan jirin igu dhaliilo, waa ku qosli jiray,  waana qancin jiray, marka uu wax jira igu dhaliilana ama waan caroon jiray, ama qeylin jiray”.

Waa sababta dhaliisha runta ah, ay madaxdu ugu sifeeyaan in ay tahay tan wax dumisa. Waa midda Helen Cixous ka qeylisiin ama oohin jirtay.

Shacabkeena wuu ka badbaadi lahaa baranbaro cunista haddii madaxdeenu ay dhaliisha waqtigeeda dhagaystaan, sidoo kale dalkeena muuqaal midka hadda uu leeyahay ka duwan ayuu lahaan lahaa.

W/Q: Hassan Adam Hosow

News Editor

Read Previous

Qaxooti Soomaali ah oo lagu xiray Xuduudka Kenya iyo Uganda.

Read Next

Caseeye lagu Dilay Xarunta Gobolka Banaadir.