Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macalin Xasan, ayaa soo bandhigay xog ku saabsan kobaca duulimaadyada hawada dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo kaabayaasha duulista Soomaaliya.
Maareeyaha ayaa sheegay in xilligan ay hawada Soomaaliya maalin kasta isticmaalaan qiyaastii 500 oo diyaaradood, isagoo xusay in dowladda ay hiigsanayso in tiradaas la gaarsiiyo 1,000 diyaaradood muddo 24 saac gudahood ah.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in hadafkan lagu gaari karo oo qura marka dalku helo garoon diyaaradeed oo casri ah, kaas oo dabooli kara baahiyaha sii kordhaya.
Axmed Macalin Xasan ayaa si gaar ah u iftiimiyay caqabadaha ka jira Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

“24 saac gudahood hawada Soomaaliya waxaa isticmaala 500 diyaaradood, intaasi tirada waa ka kordhi laheyd balse Garoonkeena Aadan Cadde ayaan u diyaarsaneyn” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin
Maareeyuhu wuxuu intaas ku daray in inkastoo hawada Soomaaliya ay tahay mid mashquul ah, haddana culeyska dhanka dhulka ah (Garoonka) uu hortaagan yahay in la kordhiyo tirada diyaaradaha isticmaala hawadeena.
Si xal loogu helo caqabadaha dhanka kaabayaasha, Maareeyaha Hay’adda Duulista ayaa shaaca ka qaaday in xalku yahay dhismaha Garoon Cusub oo Caalami ah.
Garoonkan ayaa qorshuhu yahay in laga hirgeliyo aagga xeebta gobolka Shabeellada Dhexe.
Mustaqbal
