Imaaraatka oo cabsi ka qaba saliid ka daadatay Markab la qarxiyay oo ku caarisay Xeebihiisa

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa walaac ka qabta Saliid Cayriin ah oo ka daadatay Markab la sheegay in lagu soo qarxiyay Marinka Hormuz taasi oo ku hoortay Xeebaha Dalkaasi sida ay ku warrameen mas’uuliyiin kala duwan.

Imaaraatka ayaa qaaday tallaabooyin uu uga hortagayo dhibaatada ka imaan karta saliiddaas dul sabaynaysa Biyaha Badda ee dhinaca Xeebaha Dalkaas ku hoortay oo haddii dab uu qabsado xaalad halis ah gelin karta Waddankaas.

Waxaa socda qorshe lagu xakamaynayo Saliiddaas iyada oo la qaaday tallaabooyin muhiim ah oo feejignaan ku dheehan tahay, waxaana Xukuumadda Abu Dhabi ay tilmaamtay in ay xoog iyo xeelad isugu gaysay kahortagga khatartaas.

Iiraan & qaar kamid ah Dalalka Khaliijka ayaa Xeebahooda waxaa kusoo kordhay badeecadaha ku caarinaya kuwaas oo Maraakiibtii wadday la qarxiyay kaddibna Xamuulkii cuslaa ee saarnaa ay ku daateen Badweynta kuwaas oo usii gudbay dhinaca Xeebaha.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dabaq ka kooban 17 biyaano oo ku dumay Xaafadda islii ee Soomaalidu ku badan tahay

Read Next

Wiil Soomaali ah oo Shil ka badbaadiyay 19 Arday oo Lacag lagu abaalmariyay