Dabaq ka kooban 17 biyaano oo ku dumay Xaafadda islii ee Soomaalidu ku badan tahay

Dabaq ka kooban 17 biyaano oo dhismihiisu socday ayaa ku dumay Xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Islii gaar ahaan Waddada 9th Street, Firs Avenue, waxaana socda gurmadka ay wadaan Kooxaha Gargaarka degdega ah iyo Dadka rayidka ah.

Goobta uu dabaqa ku dumay waxaa qariyay boorka dhismaha iyo dhagaxaanta duntay waxaana adag in si fudud loo arko goobtaas iyada oo ay socdaan dedaallo xooggan oo loogu gurmanayo haddii ay jiraan dad waxyeello soo gaartay gaar ahaan kuwo ku hoos jira dhismaha dumay.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda hoose ee Nairobi ayaa goobta tagay inkasta oo aanay weli la hadlin Warbaahinta oo qudheeda goobtaas ku sugan maadaama ay socdaan dedaallada isugu jira gurmadka iyo xog-baarista khasaaraha ka dhashay dabaqa dumay.

Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi waxaa ku yaalla dhismo ay asal ahaan leeyihiin Dad Soomaaliyeed, Goobo Ganacsi iyo kuwo kale oo dhismo uu ku socdo si ay ugu diyaariyaan guryaha dabaqyada ah ee la kireeyo (Apartments) loo garanayo.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Wasiir Axmed Fiqi “Masaajidka Hargaysa ku yaalla & Gaza waa isugu mid Israa’iil”