Dabaq ka kooban 17 biyaano oo ku dumay Xaafadda islii ee Soomaalidu ku badan tahay
Heer kulka Ismaamulka Gaarisa ayaa sare u kacay waxaana uu gaaray 38°C iyada oo dadka qaar ay sheegeen in habeenkii ay dareemaan kul xad dhaaf ah oo qaarkood ku sababay inay jiiftaan daaradda guryahooda si ay qabow dabiici ah u helaan.
Waxaa jira sawirro ku faafay Baraha Bulshada oo muujinaya Haanta Biyaha lagu kaydsado ee meeraha sare la saaro oo dhalaashey iyada oo lagu sheegay in ay u adkaysan waysay kulka Cadceedda iyo biyaha ku jira oo kuleel noqday.
Talooyin Caafimaad ayaa dadka la siiyay si ay uga fogaadaan dhibaatooyinka Caafimaad darro ee kasoo gaari karta isticmaalka biyahaas kulul iyo waxyaabaha kale uu saamaynta ku reebay kulka darran ee jira sida hadalka loo dhigay.
Ujeedka haamahaan loo adeegsado in biyo kayd ah la helo iyo in qaybaha sare ee Guryaha dabacyada ah ay helaan biyo awood badan si lamid ah kuwa dhulka hoose ku yaalla waana tan kordhisay adeegsiga Haamaha Caagga ah.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
