Howlgallo xalay laga sameeyay Muqdisho

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho waxaana howlgalkaas lagu qab qabtay dhallinyaro badan.

Ciidamada ayaa howlgalka ka fuliyay xaafaddaha ku dhow saldhigga Degmada Hodon,waxaana meel la isugu geeyay Dhallinyaradaas.

Howlgallada degmooyinka Muqdisho ka socda ayaa waxaa la billaabay Bishii la soo dhaafay ee March,waxaana Habeenkii inta badan howlgallo ay Ciidamada amaanka ka fuliyaan Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay Bishii ka soo dhaafay in howlgalkaasi noqonayo mid guri guri ah laguna xaqiijinayo amaanka Magaalada Muqdisho.

Web master

Read Previous

Gudoomiye Dabageed oo Xildhibaanada Hir-Shabeelle ku eedeeyay in ay caqabad ku yihiin Maamulka Gobolka Hiiraan.

Read Next

Qaramada Midoobey oo bixisay Mushaarka Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya