Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasabad loogu mahadceliyay ka qeyb-qaatayaashii qaliin dhinaca wadnaha ah oo dalka Talyaaniga loogu soo sameeyay 25 carruur Soomaaliyeed ah.
Munaasabadda ayaa waxaa soo agaasimay Hay’ada Hormuud Salaam Foundation, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Raysal wasasre ku xigeenka 2-aad ee dalka Jibriil, xildhibaano wasiiro, Duqii hore ee Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Madax ka tirsan Hay’adda Hormuud Salaam iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn, Munaasanadda waxaa Daahfuray Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullahi Nuur Cusmaan, kaasi oo sharaxaad ka bixiyay Barnaamijkan isaga oo uga mahad celiyay Dr Dr Stefano Marianeschi.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay barnaamijkan kheyriga ah oo ay hormuud ka yihiin Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Samafale Edna Cabdiraxmaan iyo dhakhaatiirta u dhalatay dalka Talyaaniga.
“Runtii, waxaana u mahadcelinayaa Hormuud Salaam Foundation oo mar walba u taagan u khidmeynta dadka tabaalaysan iyo carruurta Soomaaliyeed.” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.
Samafale Edna ayaa dhankeeda si kooban kaga hadashay “Waa farxad weyn inaan maanta arko carruurtan oo caafimaad qaba kadib markii ay mareen qalliino adag. Iskaashiga aan la leenahay dhakhaatiirta Talyaaniga iyo Hormuud Salaam Foundation waa mid miro dhalay, waana sii wadi doonaa dadaalladan.”
Prof. Stefano Marianeschi iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa dhankooda muujiyay sida ay uga go’antahay caawinta dadka Soomaaliyeed.
“Waxaan dareemaynaa mas’uuliyad ka saaran caawinta carruurtan, waana ku faraxsanahay in aqoontayada caafimaad aan u adeegsanno badbaadinta carruurta Soomaaliyeed.” ayuu yiri Dr Stefano

Raysal wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka ayaa gabagabdii Muujiyay dariinkiisa ku aadan barnaamijkan isaga oo u mahad celiyay dhamaan intii kasoo shaqeysay.
“Waxaan halkan uga mahadcelinayaa Hormuud Salaam Foundation iyo dhakhaatiirta Talyaaniga ee carruurtan, Tani waa tusaale wanaagsan oo ku aadan sida loogu kaalmeeyo muwaadiniinta tabaalaysan gudaha iyo dibadaba.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka Jibriil.
Caruurtii kasoo qeyb gashay Munaasabadda ayaa u mahadceliyay dhakhtarkoodii daaweeyay islamarkaana u sameeyay qaliino dhinaca wadnaha ah iyaga oo siiyay shahaado sharaf iyo hadiyado.
Mustaqbal
