HORDHAC: Liverpool vs Byern Munich iyo Sheeko Walba Oo Ku Saabsan Ciyaarta Adag..

Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda ku qaabileysa naadiga Bayern Munich kulan ka tirsan lugta 1aad wareega 16ka koobka Champions League.

Labadan kooxood oo kamid ah kuwa ugu guuleysaga badan Tartankaan ayaa dagaal culus u gali doona sidii ay natiijo wanaagsan u gaari lahaayeen.

XOGTA CIYAARTA:

Kulanka: Liverpool Vs Bayern Munich

Tartanka: Champions League

Garoonka: Anfield

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo Garoonka

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankaan ayaa noqon doona midkii 8aad ee Liverpool iyo Bayern Munich oo 7 jeer horay u kulmay, kulankii ugu dambeeyay ayaa ahaa UEFA Super Cup oo dhacay 2001.

Liverpool ayaa ku badisay 3/2 kulankaas iyada oo ay saddexda gool u dhaliyeen John Arne Riise, Emile Heskey & Michael Owen.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay Bayern Munich guul kaga gaartay kooxda Liverpool ayaa yimid 1971 Kulankaas oo ahaa tartanka UEFA European Cup Winners Cup.

Guud ahaan Liverpool ayaa badisayy 2 kulan halka ay Bayern Munich guul ka gaartay hla kulan 4-ta kulan ee kalena bar-baro ku dhamaadeen.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Uganda: Hoos u dhac ku yimid adeegsiga lacagaha taleefannada iyo baraha bulshada.

Read Next

AMISOM oo qalabka Miino baarista ku wareejisay Booliska Jubaland, Sawirro