Hordhac: France vs Croatia & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Finalka Koobka Adduunka Russia 2018

Waxa la joogaa maalintii ugu dambaysay ee tartanka koobka adduunka Russia 2018 iyaa oo labadii xul ee ugu dambeeyay ay isku haleeli doonaan Moscow iyaga oo ku dagaalami doona sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen koobka ugu qaalisan kubada cagta.

Koobka adduunka ayaa la soo xidhi doonaa iyada oo France iyo Croatia ku dagaalami doonaan garoonka Luzhniki Stadium iyaga oo doonaya in uu mid walba gacanta ku dhigo koobka adduunka.

Kooxda Didier Deschamps ayaa doonaysa in ay markii 2-aad ee taariikhdooda ko u qaado koobka ugu qiimaha iyo qaayaha badan kubada cagta.

Dhanka kale xulka Croata oo markii ugu horaysay taariikhdooda soo gaaray finalka tartanka ayaa doonaya in ay ku guulaystaan koobka adduunka.

Kulanka: France Vs Croatia

Tartanka: Koobka Adduunka

Wakhtiga: 6:00

Garoonka: Luzhniki Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Xulka France ayaan wax guuldaro ah la kulmin 5-tii kulan ee ay la soo ciyaareen xulka Croatia iyaga oo badiyay 3 kulan, waxa ay kulmeen laba kulan oo aan tartan Rasmi ah ahayn.

France ayaa guul soo laabasho leh ka gaartay Croatia semi-finalkii koobkii adduunka 1998 iyaga oo gool looga hor maray ugu badalay laba gool.

Labadan xul oo sidoo kale isku Group noqday tartankii Euro 2004 ayaa ku kala bar-baro 2/2 ah.

Kulankii ugu dambeeyay ee tan ilaa wakhtigaas ayaa ahaa mid bar-baro goolal la,aan ah oo saaxiibtinimo ahaa oo dhacay March 2011.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Al-shabab oo sheegay in ay qarax ku dhaawaceen Guddoomiyaha Awdiinlle

Read Next

Obama oo maanta gaaray Nairobi,Sawirro