Al-shabab oo sheegay in ay qarax ku dhaawaceen Guddoomiyaha Awdiinlle

Guddoomiyaha Degmada Awdiinlle ee Gobolka Baay ayaa lagu dhaawacay weerar Miino ah oo ka dhacay duleedka Magaalada Baydhaba.

Awdiinlle waxaa ay 30km u jirtaa Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,waxaa lagu magacaabaa Guddoomiyaha Cali Bukow.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas lagu dhaawacay Cali Bukow,waxaana ay sheegeen in uu dhaawac halis ah yahay.

Saraakiil ka mid ah Maamulka Koofur Galbeed ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal jiritaanka weerarka iyo dhaawaca Guddoomiyaha Awdiinlle.

Dhinaca kale Duleedka Degmada Afgooye waxaa warar naga soo gaaraya ay sheegayaan in lagu dilay sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya iyo wadihii gaarigiisa.

Mustaqbal media

Read Previous

Nin Somali ah oo lagu dilay Syria

Read Next

Hordhac: France vs Croatia & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Finalka Koobka Adduunka Russia 2018