Hay’adda sirdoonka Mareykanka oo dadka ugu sarreeya ay Haween wada noqdeen.

Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee C.I.A ayaa markii ugu horreysay yeelatay madax wada haween ah,waxaana saddexda qof ee ugu sarreysa ay hadda yihiin Haween.

Qofkii ugu dambeeyay ee xil sare ka qabtay C.I.-da waxaa ay noqotay Gabadha lagu magcaaabo Cynthia Rapp, taas oo laga dhigay qofka ugu sarreeya dhinaca falanqeynta.

Waxaa kale oo Haweenka xilalka ka haya C.I.A-da ka mid ah Elizabeth Kimber oo ah ku xigeenka Madaxa howlgallada ee C.I.A.

Waxaa intaas dheer in Agaasimaha Guud ee Hay’addaasi ay haweeney tahay taas oo iyana loo magacaabay Gina Haspel.

Waa markii ugu horreysay oo Taariikha Hay’adda C.I.Da Mareykanka ay xilalka ugu sarreeya la wareegaan Haweenka.

Mustaqbal media

Read Previous

AU trains security officers to curb conflict-related sexual violence in Somalia

Read Next

Chelsea iyo AC Milan oo is dhaafsanaya Moratta iyo Higuain.