Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Miinooyinka ee Mine Action ayaa sheegtay macluumaad la xiriira weerarkii 1dii Bisha lagu qaaday Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Mine Action waxaa ay sheegtay in Hoobiyayaashii loo adeegsaday weerarkaas ay ahaayeen nooca 81MM islamarkaana laga soo tuuray Degmada Kaxda.
Qoraalka Mine Action ayaa lagu sheegay in Hoobiyayaashaasi ay soo saartay Dowladda Ingrisiiska sidoo kalena ay la midyihiin kuwa M29 ee Mareykanka farsameeyo.
Waxaa ay sheegeen in Hoobiyayaashu ay ku dhaceen Xafiisyada CPO iyo UNMAS,kuwaas oo haraadigoodii ay baaritaan ku sameeyeen.
Qoraalka UNMAS ayaa lagu sheegay in goob 4.5KM u jirta Garoonka Muqdisho kuna beegan Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho laga soo tuuray Hoobiyayaasha.
Weerarkaas waxaa sheegtay AL-shabaab,qaramada Midoobey ayaa sheegtay in labo qof oo ka mid ah shaqaalaheeda iyo Qof Qandaraasle ahaa ay ku dhaawacmeen.
