Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya
Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ka qaadday 56 qof oo u dhashay Itoobiya oo ay ku jiraan 10 carruur aan cidna la socon sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Hay’addaas.
War kasoo baxay IOM ayaa lagu sheegay in si nabadgalyo ah loogu guullaystay dib u celinta Dadkaan oo Magaalo xeebeedka Boosaaso u tagay in ay ka tahriibaan balse arrintaasi ay ku tahay halis nafeed sida hadalka loo dhigay.
“Waxaa inoo suuragashay in aan dib ugu celino Itoobiya si nabadgalyo ah 56 muwaadin oo Itoobiyaan ah, waxaa dadkaas ku jira 10 Carruur aan waalidkood la socon, tani waa qayb kamid ah dedaallada looga hortagayo tahriibka” Sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay IOM.
Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM oo kaashanaysa Dowladdo kala duwan ayaa Soomaaliya dib ugu soo celisay Dad tahriib ahaan u tagay Dalalkaas kuwaas oo qaarkood muddo ku xirnaa Xabsiyo halka sidoo kale dalka ay ka qaadday Itoobiyaan doonayay in uu kasii tahriibo.
Mustaqbal
