Hay’adda Boqor Salmaan oo sheegtay in ay fududeysay dib usoo celinta Soomaali kunool Yemen.

Ku dhowaad 134 qof oo Soomaali ah oo kunool Magaalada Cadan ee Caasimadda Yemen ayaa dib ugu soo laabtay dalkooda, sida ay sheegtay Hay’adda gargaarka bani aadamnimada qaabilsan Sacuudiga Boqor Salmaan.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay fududeysay safarka dib usoo celinta Qaxootiga Soomaalida ee Dalka Yemen gaar ahaan Magaalada Cadan.

Dadkaan waxa ay muddo dheer ku sugnaayeen Cadan ee dalka Yaman, waxaana ay kusoo baxeen safar dhanka badda ah, iyaga oo kasoo galay Dhanka Somaliland.

War ay soo saartay Hay’adda Boqor Salmaan waxa ay ku sheegtay in qoysaskaan ay qayb ka yihiin kumanaan ruux oo Soomaali ah kana ka faaiideysatay howlaha samafal ee Hay’addaan tan iyo sanadkii 2018-kii.

Yemen waxaa kunool qoysas Soomaali ah oo dalka uga cararay dagaaladii is xig-xigay, balse dalkii ay maciin bidiin waxa uu majaha la galay dagaal lamid ah kii Soomaaliya ka dhacay ee sababay in ay qaxooti noqdaan.

Biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen waa marinka ugu fudud oo ay isaga kala gudbaan Soomaalida iyo Yemeniyiinta, waxaana labada dal ku kala nool Qaxooti midba dalka uu u arko in uu ku helayo nolol u dhaanta tan Waddankooda.

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay UNHCR waxa ay dhowr jeer diiwaangelisay liiska Muwaadiniinta Soomaalida iyo Yemeniyiinta ah ee usoo gudbay dhanka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Isha:- News Yeme / Mustaqbal Media

MM Editor

Read Previous

Remarks at a UN Security Council Briefing on the Situation in Somalia

Read Next

Ciidanka Xoogga dalka iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Diinsoor.