Harry Maguire oo heshiis shan sanno ah u saxiixay Leicester City.

Kooxda Leicester City ayaa ku dhawaaqday in Harry Maguire uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo shan sanno ah.

25, ayaa kaga soo  biiray Leicester kooxda Hull City xagaagii 2017 wuxuuna ka mid ahaa xidigihii ugu fiicnaa koobka Aduunka.

Manchester United ayaa si aad ah loola xiriirinayay Maguire intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga, lakiin Leicester ayaa soo gabagabeysay  xaalada daafaca dhexe.

Foxes ayaa haatan ku dhawaaqday in xidigan reer England uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda kusi joogayo  ilaa iyo xagaaga 2023.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Luis Enrique:” David de Gea waa goolhayaha ugu fiican Aduunka”

Read Next

Tottenham iyo Barcelona oo ku dagaalamaya saxiixa Frenkie de Jong.