Hordhac
Isbeddel kasta oo siyaasadeed iyo mid amni oo Geeska Afrika ka dhaca, Itoobiya ayaa bartamaha iyo udub dhexaadba u ah. Waa dal ay ku nool yihiin in ka badan 120 milyan oo qof, waxa uu leeyahay ciidanka ugu weyn gobolka, waxaana ku yaal xarunta Midowga Afrika. Hase yeeshee dalkaas culus ayaa maanta wajahaya su’aal ay siyaasiyiin iyo cilmi-baarayaal badani ay is weydiiyaan: miyaa la gaaray waqtigii ay Itoobiya burburi lahayd?
Toddobaadkan, 20 ilaa 21 Sebtembar 2026, toddobo urur oo hubeysan iyo siyaasadeed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay isbahaysi cusub oo ay u bixiyeen Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival. Hadafka ay ku dhawaaqeen waa in meesha laga saaro dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, lana dhiso dowlad ku-meel-gaar ah. Falanqeyntan waxay isku dayaysaa inay ka jawaabto saddex su’aalood oo isku xiran: waa maxay sababaha qotada dheer ee ka dhigay Itoobiya dal aan gulufyadu ka dhammaan? Maxaa ka duway isbahaysigan kuwii ka horreeyey, halkeese ayay xaaladdu u socon kartaa, iyo maxay uga dhigan tahay bulshada Soomaaliyeed?
Taariikh gulufyo soo noqnoqda
Haddii la eego taariikhda Itoobiya ee 75 sano ee la soo dhaafay, waxaa si cad u muuqda hannaan isku mid ah oo mar kasta soo laabta. Konton-meeyadii qarnigii tagay waxaa soo baxay dhaqdhaqaaqii Nasrullaahi ee Soomaalida. Sannadkii 1963, oo ku beegnayd xilligii Soomaaliya xorriyadda qaadatay, waxaa Baale ka bilaabmay kacdoonkii Waaqo Guutu, kaas oo ay ka wada qayb qaateen Booranta iyo Soomaalida Liibaan. Intii u dhexeysay 1974 iyo 1991, oo ah xilligii Dergiga kaddib markii boqortooyadii Haile Selassie dhacday, dalku waxa uu isku mar la kulmay dagaallo gobannimo-doon ah oo ay hoggaaminayeen Soomaalida, Tigreega, Oromada, Canfarta, Sidaamada iyo Eritreayaanka.
Kaddib markii EPRDF xukunka qabatay, gaar ahaan 1994 ilaa 2018, waxaa hubka qaatay ONLF, OLF, Ginbot 7 iyo kuwo kale. Tan iyo 2018, markii Abiy Axmed yimid, nabad waarta lama arag. Waxaa dhacay dagaalkii Tigray ee 2020 ilaa 2022, waxaa sii socday kacdoonka OLA ee Oromiya iyo dagaalka Fano ee Axmaarada, maantana waxaa la gaaray isbahaysi kooxahaas oo dhan isku keenaya.
Waxa ugu mudan in la fiiriyo ayaa ah in qaabka xukunku uu dhowr jeer isbeddelay, laakiin dagaalku uusan u joogsan. Itoobiya waxay soo martay boqortooyo, xukun hantiwadaag militari ah, federaal qowmiyadeed, iyo maanta nidaamka Prosperity Party. Haddii nidaamyadaas oo dhami ay ku fashilmeen inay nabad waarta keenaan, markaas dhibaatadu ma aha oo keliya xukun gaar ah. Waxay ku jirtaa aasaaska dowladda laftigeeda.
Dowlad-dhis aan dhammaystirnayn
Aragtida ugu weyn ee falanqeyntan ku salaysan tahay waa in dowlad-dhiska Itoobiya uusan weli dhammaystirnayn, waxa cilmiga siyaasadda lagu yiraahdo (incomplete state construction). Itoobiyada casriga ah waxaa inta badan la sameeyey dabayaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Xilligaas Boqor Menelik waxa uu xoog ku ballaariyey xuduudda boqortooyada Abyssinia, isagoo ku daray dhulalka Oromada, Soomaalida, Sidaamada, Benishangul iyo kuwo kale. Hase yeeshee ku darista dhul maamul ahaan iyo dhisidda ummad wadaagta hal aragti oo dowladeed waa laba arrimood oo kala duwan.
Cilmi-baarayaasha taariikhda Itoobiya muddo dheer ayay arrintan ka doodayeen. Qolo waxay dalka u aragtaa “Itoobiya Weyn” oo qowmiyadaheedu qarniyo wada noolaayeen. Qolo kale, oo ay ugu caansan yihiin ardaydii kacaanka ee lixdameeyadii, waxay u aragtay “xabsiga qowmiyadaha” (prison of nations). Weedhaas waxaa si weyn u faafiyey Walleligne Mekonnen maqaalkiisii 1969-kii ee On the Question of Nationalities in Ethiopia. Doodaas ilaa maanta lama xallin, xukun kasta oo yimaadana wuu dhaxlaa.
Sababta labaad waa burburka xiriirkii taariikhiga ahaa ee u dhexeeyay Amxaarada iyo Tigreega. Muddo dheer, labada kooxood waxay door weyn ku lahaayeen siyaasadda, ciidanka iyo maamulka Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, dagaalkii 2020–2022-kii waxa uu si weyn u dhaawacay xiriirka labada dhinac. Fano iyo TPLF waxay noqdeen dhinacyo iska soo horjeeda, waxaana ka dhashay dagaallo iyo kalsooni-darro. Sidaas darteed, haddii maanta ay mararka qaarkood yeeshaan dano ama cadow ay wadaagaan, taasi macnaheedu ma aha in xiriirkoodii hore dib loo soo celiyay. Waxa ay ka tarjumaysaa in qaabkii hore ee awoodda Itoobiya uu daciifay, halka qaab cusub oo xasilloon oo labada dhinac ay ku wada shaqeeyaan uusan weli si cad u samaysmin.
Arrintani waxay dhalinaysaa afar su’aalood oo aan weli jawaab la isku raacsan yahay loo helin. Tan kowaad waa nooca Itoobiya ee la wada dhisan karo: ma dowlad dhexe oo xoog leh, ma federaal dhab ah, mise isbahaysi dowladeed oo dabacsan? Tan labaad waa cidda isku hari doonta haddii xarigga siyaasadeed la dabciyo. Tan saddexaad waa cidda aan weli liqin kiniinka Itoobiyaanimada, oo aqoonsigooda siyaasadeed aan weli la jaanqaadin dowladda. Tan afraad, oo laga yaabo inay tahay tan ugu culus, waa cidda awoodda lagu aamini karo. Oromadu Axmaarada ma aamminto, Axmaaraduna Tigreega ma aamminto, Soomaaliduna midkoodna ma aamminto. Inta su’aalahaas jawaab looga helaayo, Itoobiya waxay ahaan doontaa guri tiirarkiisu ruxmayaan. Gulufyada soo noqnoqdana waa calaamadda ugu cad ee muujinaysa in dowlad-dhiskaasi weli socdo sidoo kalana aanay muuqan rajo rajo muujineyso dhemyetirkeeda.
Isbahaysiga toddobada
Isbahaysiga cusub waxa uu ka kooban yahay Fano oo matasha Axmaarada, TPLF oo matasha Tigreega, OLA oo matasha Oromada, ONLF, ARDUF oo kala matala Soomaalida iyo Canfarta, iyo laba koox oo ka soo kala jeeda Benishangul iyo Gumuz. Bayaankooda waxa ay ku eedeeyey dowladda uu hoggaamiya Abiy dagaal, xasuuq, burbur baahsan iyo faqri daran, waxayna sheegeen in Itoobiya ay khatar ugu jirto kala-daadasho.
Sida ay sheegayaan xogo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin, jagooyinka isbahaysiga waxaa loo qaybiyey sidan: guddoomiyenimada waxaa loo dhiibay Zemene Kassie oo ka tirsan Fano, taliyaha guud ee ciidamada OLA ayaa qaadatay, xoghayaha guud TPLF, arrimaha dibadda iyo siyaasadda ONLF, maaliyaddana ARDUF. Haddii awood qeybsigaani run noqodo, waxay muujinaysaa in isbahaysigu uusan ku ekayn iskaashi militari, balse uu isku dayayo inuu soo bandhigo qaab dowladeed oo diyaar u ah beddelidda xukunka maamulka Abiy.
Si kastaba ha ahaatee, isbahaysigu waxa uu wajahayaa jilicsanaan qaab-dhismeed oo aan la iska indho-tiri karin. Falanqeeyayaal u janjeera dowladda ayaa tilmaamay in TPLF ay weli sheeganayso Galbeedka Tigray (Welkait), isbahaysiguna uusan dejin wax xal ah oo khilaafkaas dhulka ah lagu dhameyn karo. Sidoo kale, Fano iyo OLA muddo dheer ayay isku eedeynayeen xadgudubyo loo geystay shacabka labada dhinac ee deegaanka Wollega. Arrimahaas waxay muujinayaan in isbahaysiga uu isku haysto cadow-wadaag, halkii uu ka ahaan lahaa aragti dowladeed oo la isku raacsan yahay. Taasi waa awooddiisa ugu weyn, isla markaana waa daciifnimadiisa ugu weyn.
Dowladda federaalka waxay isbahaysiga ku tilmaamtay mid dibadda laga maamulo. Afhayeenka Abiy, Billene Seyoum, ayaa Reuters u sheegtay in xubnaha isbahaysigu ay muddo wada shaqeynayeen iyagoo maalgelin ka helaya Eritrea, halka Eritrea ay si joogto ah u beeniso eedeymahaas. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka xumaaday ee Addis Ababa iyo Asmara, gaar ahaan hamiga Itoobiya ee ku aaddan helidda marin badeed, waxa uu ka dhigayaa Eritrea ciyaaryahan aan looga maarmin fahamka dagaalkan.
Waxaa jira qodob si gaar ah muhiim ugu ah daawadayaasha Soomaaliyeed. Magaca ONLF waxaa lagu daray bayaanka isbahaysiga, laakiin hoggaanka ONLF ee Jigjiga, oo uu hoggaamiyo Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax, waxa uu si cad u sheegay inuusan ku biirin. Waxa uu ku adkaystay inuu weli ku taagan yahay heshiiskii nabadda ee 2018 iyo halgan siyaasadeed oo nabadeed. Khilaafku waxa uu u muuqdaa inuu la xiriiro hoggaankii hore ee Cabdiraxmaan Mahdi, oo ONLF sheegtay in laga qaaday guddoomiyenimada shirkii dhacay Juun 2025. Sidaas darteed, falanqeyn ahaan ma saxna in la yiraahdo Soomaalida Itoobiya dagaal ayay gashay. Waxa jira waa loollan ku saabsan cidda leh sharciyadda magaca ONLF.
Dhacdooyinka toddobaadkan
Dagaalka weyn weli si buuxda uma bilaabmin, laakiin calaamadihiisa hordhaca ah way muuqdaan. Hoggaamiyeyaasha Tigray ayaa ku dhawaaqay in dagaal cusub oo ay la galeen dowladda federaalka uu bilaabmay, isla markaana dagaal uu qarxay, sida ay Reuters soo warisay. Tani waxay ku xigtay tallaabadii TPLF ee bishii May, markii ay gacanta ku dhigtay dowlad goboleedka Tigrey, iyadoo meesha ka saartay maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee heshiiska nabadda lagu dhisay. Ciidamada dowladda waxay duqayn drone ah ku qaadeen Maychew oo ku taal Koonfurta Tigray 19 Sebtembar. Maalin kaddib waxay beegsadeen gaari sida gargaar Galley ama Haruur ah oo loogu talagalay barakacayaasha waqooyi-galbeed Tigray, weerarkaas oo ay cambaareysay Kaniisadda Katooliga ee Adigrat. Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay duqaynta lagu qaaday kolonyada gargaarka Catholic Relief Services, waxayna ku baaqday baaritaan buuxa, iyadoon magacaabin cidda masuulka ka ah. Qaar ayaa taas u fasirtay inay tahay calaamad muujinaysa in Washington ay u janjeerto isbahaysiga, balse fasiraaddaasi weli waa mala-awaal aan caddayn lahayn.
Waxaa mudan in la xuso in Maqale, caasimadda Tigray, aan weli la duqeyn. Sababta si rasmi ah looma oga. Waxaa suurtagal ah in TPLF ay magaalada dhigtay nidaamyo ka hortaga drone-yada iyo qalab carqaladeeya isgaarsiinta. Waxaa kale oo suurtagal ah in dowladdu ay ka cabsanayso cadaadiska caalamiga ah ee ka dhalan kara duqaynta magaalo weyn oo shacab ay ku badan yihiin. Maalmaha soo socda ayaa arrintan caddeyn doona.
Dhinaca dhaqaalaha, warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in bangiyada Waqooyiga Axmaarada, gaar ahaan Wag Hemra, ay lacagtooda ka rareen deegaanka iyagoo ka cabsanaya inuu isbahaysigu qabsado. Dhaqdhaqaaqa lacagtu inta badan waa cabbir ka run badan bayaannada siyaasadeed, sababtoo ah waxa uu muujinayaa sida dadku u qiimeeyaan khatarta dhabta ah. Gobolka Canfarta, ilo kala duwan ayaa sheegay in ciidamada Tigray ay ku dagaallamayaan garab koox deegaanka ah, taas oo muujinaysa in dagaalku uu durba ka gudbay xuduudda Tigray.
Dowladdu waxay ka jawaabtay dagaal warbaahineed. Hay’adda Warbaahinta Itoobiya ayaa muddo aan xaddidnayn hakisay Tigray Television, maalin kaddib markii ay baahisay bayaanka isbahaysiga. Dhanka kale, warbixin uu soo saaray EEPA ayaa sheegtay in 300 oo xubnood oo ka tirsan ciidamada TPLF ay isu dhiibeen dowladda federaalka. Tirooyinka noocan ah waa in si taxaddar leh loo fiiriyaa, maadaama dagaal kasta uu wato dagaal warbaahineed oo barbar socda.
Ma 1991 ayaa soo noqonaysa?
Su’aasha falanqeeyayaal badani is-weydiinayaan waa in xaaladda maanta ay tahay tii 1991. Sannadkaas xukunkii Dergiga waxa uu dhacay markii isbahaysi ay hoggaaminayeen TPLF iyo EPLF-dii Eritrea uu qabsaday Addis Ababa. Isu-ekaanshuhu waa muuqdaa: isbahaysi jabhado isku keenay ayaa jira, Eritrea waxaa lagu eedeynayaa inay ka dambeyso, dowladda dhexena waxay isku mar ka dagaallamaysaa jihooyin badan. Hase yeeshee kala duwanaanshuhu waa mid qoto dheer. Dergigu waxa uu ahaa xukun go’doonsan kaddib markii Midowgii Soofiyeeti burburay oo taageeradiisii go’day. Abiy Axmed weli waxa uu haystaa xulafo gobol iyo caalamiba ah, waxa uuna haystaa awood cir oo drone ah, taas oo horeba u beddeshay dheelitirka dagaalkii 2021.
Dowladdu waxay sidoo kale sheeganaysaa sharciyad doorasho, maadaama Prosperity Party ay doorashadii Juun 2026 ku heshay aqlabiyad weyn, inkastoo Tigray iyo qaybo ka mid ah Axmaarada aysan codeyn. Ugu dambeyntii, isbahaysigii 1991 waxa uu lahaa xarun militari oo mideysan, halka isbahaysiga maanta uu ka kooban yahay toddobo xarumood oo juqraafi ahaan kala fog, khilaaf dhul iyo mid taariikheedna ka dhex jiro.
Iyadoo arrimahaas la tixgelinayo, falanqeyntani waxay qiimaynaysaa in burbur degdeg ah oo Itoobiya ku dhaca uusan ahayn natiijada ugu macquulsan waqtiga dhow. Waxaa jira afar waddo oo suurtagal ah:
- Waddada kowaad waa in dowladdu adkaysato, iyadoo drone-yada iyo kala qaybsanaanta isbahaysiga uga faa’iidaysanaysa inay kooxaha kala goo-gooyso: qaarkood la heshiiso, qaarkoodna la jebiyo.
- Waddada labaad, oo sida falanqeyntan u muuqata ah tan ugu suurtagalsan, waa dagaal dheer oo aan cidna si go’aan ah ugu guuleysan. Xaaladdaas dowladda dhexe way daciifaysaa, gobolladuna waxay noqonayaan kuwo si dhab ah iskood isu maamula, halka dalku magac ahaan uu sii jiri doono.
- Waddada saddexaad waa isbeddel xukun oo 1991 u eg, taas oo u baahan in isbahaysigu isku duwo weerar Addis Ababa ku wajahan, iyo in ciidanka federaalka gudihiisa uu kala jabo. Labadaas shardi weli si cad uma muuqdaan.
- Waddada afraad waa burbur buuxa oo la mid ah kii Yugoslavia. Waqtiga dhow suurtagalnimadeedu waa ugu hoosaysaa, laakiin khatarteedu way sii kordhaysaa haddii waddada labaad ay sannado dheer socoto. Si kooban haddii loo dhigo, Itoobiya waxay u badan tahay inay gudaha ka burburto intaanay khariidadda ka burburin.
Si loo ogaado waddada ay xaaladdu qaadanayso, waxaa lagama maarmaan ah in la dabagalo calaamado cayiman. Calaamadahaas waxaa ka mid ah in Maqale la duqeeyo iyo in kale, maadaama taasi ay muujinayso heerka ay dowladdu diyaar u tahay inay dagaalka kordhiso. Waxaa kale oo ka mid ah in waddada ganacsiga ee Djibouti iyo Addis Ababa la go’doomiyo, taas oo ah halbowlaha dhaqaalaha dalka. Tan saddexaad waa in gudaha ciidanka federaalka ay ka dhacaan is-dhiibid ama kala jab waaweyn. Tan afraad waa in Eritrea ay si toos ah dagaalka u gasho. Tan shanaad waa in khilaafka Welkait uu isbahaysiga gudihiisa ka qarxo. Calaamadahaas midkastaa waxa ay awood u leeyahay in ay dheelitirka si go’aan ah u beddesho.
Soomaalida iyo gunaanad
Bulshada Soomaaliyeed ee Itoobiya waxay ku jirtaa meel adag oo u baahan xikmad siyaasadeed. Hoggaanka rasmiga ah ee ONLF waxa uu doorbiday inuu ilaaliyo heshiiskii nabadda. Laakiin haddii xarunta dhexe daciifto, su’aasha ah “yaa isku hari doona?” waxay u noqon doontaa Soomaalida mid aan laga cararayn. Xaaladdani waxay wadataa fursad iyo khatar isku mar. Fursaddu waa in Soomaalidu ay ka mid noqon karaan cidda go’aamisa qaabka Itoobiyada mustaqbalka, haddii ay mideysan yihiin oo ay leeyihiin aragti cad. Khatartu waa in loollanka ku saabsan sharciyadda magaca ONLF uu isu beddelo kala qaybsanaan gudaha ah, taas oo dagaalka Itoobiya keenaysa gudaha bulshada Soomaaliyeed laftigeeda.
Gunaanadkii, Itoobiya weli ma burburin, laakiin weli ma aysan helin nidaam dowladeed oo si buuxda u xasilloon. Taariikhda 75-kii sano ee la soo dhaafay waxay muujinaysaa in haddii aan la helin aragti iyo heshiis guud oo ku saabsan nooca Itoobiya ee la wada dhisayo, khilaafaadka iyo dagaalladu ay marar badan soo noqon karaan, xitaa haddii xukuumadda dalka ay isbeddesho. Sidaas darteed, Isbahaysiga Toddobada ma aha sababta ugu weyn ee dhibaatada, balse waxa uu ka mid yahay natiijooyinka ka dhashay khilaafaadka iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee Itoobiya ka jiray muddo dheer.
TIXRAACYO
- Reuters (via US News & World Report). “Tigrayan Leaders Say New War With Ethiopian Government Has Begun, as Fighting Erupts.” 23 Sebtembar 2026. https://www.usnews.com/news/world/articles/2026-09-23/tigrayan-leaders-say-new-war-with-ethiopian-government-has-begun-as-fighting-erupts
- Europe External Programme with Africa (EEPA). “Situation report: Seven Ethiopian armed groups form alliance; Numerous drone attacks target Tigray; US lifts sanctions against Eritrea.” Sebtembar 2026. https://www.eepa.be/situation-report-seven-ethiopian-armed-groups-form-alliance-numerous-drone-attacks-target-tigray-us-lifts-sanctions-against-eritrea/
- Wazema. “Seven armed and political groups announce alliance aimed at removing Abiy government.” Sebtembar 2026. https://wazema.substack.com/p/seven-armed-and-political-groups
- Al Jazeera. “Northern Ethiopia’s shifting alliances explained.” 7 Agoosto 2026. https://www.aljazeera.com/news/2026/8/7/northern-ethiopias-shifting-alliances-explained
- Amanuel Tadesse. “The Alliance for ‘Survival’ as Eritrea’s Proxy Coalition.” Horn Review, 23 Sebtembar 2026. https://hornreview.org/2026/09/23/the-alliance-for-survival-as-eritreas-proxy-coalition/
- Warbixinnada Reuters iyo AP ee ku saabsan doorashada Juun 2026 iyo bayaanka ONLF ee 21 Sebtembar 2026.
- Agreement for Lasting Peace through a Permanent Cessation of Hostilities between the Government of the Federal Democratic Republic of Ethiopia and the TPLF (Heshiiska Pretoria). Pretoria, 2 Nofembar 2022.
- Heshiiska nabadda ee dowladda Itoobiya iyo ONLF. Asmara, 21 Oktoobar 2018.
- Walleligne Mekonnen. “On the Question of Nationalities in Ethiopia.” Struggle (joornaalka ardayda Jaamacadda Haile Selassie I), 17 Nofembar 1969.
- Bahru Zewde. A History of Modern Ethiopia, 1855–1991. 2nd ed. Oxford: James Currey, 2001.
- Donald N. Levine. Greater Ethiopia: The Evolution of a Multiethnic Society. Chicago: University of Chicago Press, 1974.
- Gebru Tareke. Ethiopia: Power and Protest — Peasant Revolts in the Twentieth Century. Cambridge: Cambridge University Press, 1991.
- John Markakis. Ethiopia: The Last Two Frontiers. Woodbridge: James Currey, 2011.
- Christopher Clapham. The Horn of Africa: State Formation and Decay. London: Hurst, 2017.
_______________________________________________________________________
WQ: Cabdulqaadir Maxamed Xasan, Freelance Journalist and MA of Journalism at Erciyes University, Turkey
Email: Amh.hassan3@gmail.com
Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media
