Gudoomiyihii gobolka Sool ee Puntland oo lagu xiray magaalada Garoowe.

Ciidamada amaanka Puntland, ayaa goordhow xabsiga dhigay Gudoomiyihii gobolka Sool ee maamulka Puntland Abuukar Cabdi Geelle, xili uu halkaasi u tagay ka qeybqaadashada ololaha loogu jiro kursiga Madaxtinimo.

Ciidamada ayaa Abuukar Cabdi Geelle ka qabtay Bartamaha Garoowe, iyadoo la sheegay iney ula dhaqaqeen mid kamid ah xabsiyadooda ku yaala Caasimada Puntland, Masuulkan, waxa uu todobaadkan ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay gobolka Sool, Sool waxaa isku horfadhiya Ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in xariga Masuulkan, ay la xirirto qoraal uu ku soo daabacay bartiisa Facebook, taasoo loogu eedeeyay Madaxweyanaha Puntland C/Wali Maxamed Cali (Gaas) inuu sameeyay Musuq Maasuq.

Saraakiisha amniga maamulka Puntland wali kama hadal xariga loo geystay Gudoomiyihii gobolka Sool ee maamulka Puntland, waxaana Garoowe aad looga hadal hayaa xariga Abuukar Cabdi Geelle.

Ninka xabsiga la dhigay, ayaa, Dec 31, 2018 waxa uu Warbaahinta gudaha u sheegay inuu isaga tagay Xilkii uu ka hayay maamulka Puntland, mana soo bandhigin sababta rasmiga ah ee la xiriirta shaqa ka tagistiisa.

Abuukar Cabdi Geelle, ayaa xilka Gudoomiyenimo ee gobolka Sool waxa uu hayay mudo ku siman 6 bil, waxaana la soo magacaabay 11-kii bishii June ee 2018.

Mustaqbal media

Read Previous

Taliye cusub ee qeybta 60-aad oo Baydhabo lagu soo dhaweeyey.

Read Next

Mareykanka oo sheegay inuu 10 Shabaab ah ku dilay duqeyntii u horeysay ee Sanadan.