MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Gudoomiyaha Cuusb ee Gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa soo saaray amarro ka dhan ah in Garoowe lagu qbato shir aysan ka warqabin Guddiga amniga Puntland.
Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), ayaa Saxaafada Garoowe ugu sheegay ineysan cidna ka aqbaleynin in shirar la isaga qabsado Hoteelada iyo goobaha kale ee la isugu yimaado, Sababta waxa uu ku sheegay arimo amni, waloow aanu bixin faahfaahin dheeri ah.
” Waxaan rabaa inaan idiin sheego inaan Gobolka lagu qaban karin shiraan amar looga heysan Gudidga amniga Gobolka, U sheego in cidkastoo shir ku qabsnaeysa la hubiyo iney wataan ogolaanshaha Guddiga amniga” ayuu yiri Gudoomiye (Gujir).
Waxa uu sidoo kale Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), sheegay in looga baahanyahay Warbaahinta iney door ka qaataan Nabadgelyada, ayna ka fogaadaan wax kasta oo carqalad ku keeni kara Bulshada.
Si Kastaba, Guddiga amniga Puntland ee Gobolka Nugaal, ayaa Habeen ka hor ka hor istaagay Wasiirka Qorsheynta Somaliya Jamaal Xasan Maxamed, Shir uu kula hadli lahaa dhalinyarada wax ka barata Jaamacadaha ku yaala Garoowe, Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), oo ka hadlay tilaabadaas, wuxuu sheegay iney la xiriirto Khilaafka u dhexeeya Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Madaxweynaha Puntland ee waqtigiisu gabaabsiga yahay, ayaa 24kii bishii hore xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ee shantii sano ee la soo dhaafay Cumar Faraweyne, wuxuuna usoo magacaabay Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir).
