Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ka hadlay Caqabadaha Hortaagan Howshooda.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Mustaqbal waxa uu kaga hadlay Howlaha horyaalla Guddigooda.

Caqabadaha dalka ka jira ayuu sheegay in ay hor taagan tahay in ay soo gaba-gabeeyaan howsha ay u xilsaaran yihiin ee Sameynta Xuduudaha iyo Federaalka.

Ammaan xumida iyo dib u heshiisiin la’aanta ayuu sal ugu dhigay in ay tahay dhibaatada ugu weyn ee ku hor gudban maamulkooda.

Sanadka soo socda 2019-ka ayuu rajeeyay in ay soo gaba-gabeeyaan sameynta Xuduudaha Maamul Goboleedyada, kahor ayuu tilmaamay in ay loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sugidda ammanka iyo sameynta dib u heshiisiin.

Doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo kolka la gaaro 2020-ka ayuu sheegay in Xuduudeynta ay ugu muhiimsan tahay, isla markaana ay la heer tagay ammaanka.

Howshaan baaxadeeda waxa uu shaaciyay in ay ballaaran tahay, dalkana uu u burbursan yahay Maamul ahaan, Siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan, waxa ugu sahlan ee la doonayaye ay tahay in laga soo kabto dhibaatooyinkaas sida uu hadalka u dhigay.

Guddigaan ayaa shalay la kulmay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyagoona kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa Caqabadaha hortaagan.

Mustaqbal media

Read Previous

Madaxweyne Waare oo ka hadlay Xaaladda Ammaan ee Deegaanada Maamulkiisa.

Read Next

Roma Oo dhagta dhiiga u dartay Barcelona kana ciribtirtay koobka I CC Cup.