MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Guddiga uu magacaabay madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saarey jadwal doorasho ay ku cad yihiin doorashada la filayo in ay ka qabsoonto Gaalkacyo.
Tani ayaa qayb ka ah jahwareer horleh oo maamulkan uu lugaha lasii gelayo maadaama qabanqaabada doorasho kale ay ka socoto Dhuusamareeb, caasimada rasmiga ah ee dowlad goboleedka.
Jadwalka guddiga Xaaf ayaa sheegaya in Xildhibaanadda lasoo xuli doono 18-ka bishaan Janaayo 2020, iyaddoo lagu darayo qoondada ay leedahay Ahlu Sunna Waljameeca.
Doorashadda guddoonka baarlamaanka ayaa loo muddeeyay 25-ka Janaayo, 2020. Doorashadda madaxweynaha ayuu guddigu shaaciyey in ay qabsoomeyso 1-da bisha Febraayo, 2020-ka.

Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa haatan waxaa ku sugan Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka biya diiday howlaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya ka wado Magaalad Dhuusamareeb ee Caasimaha Maamulka Galmudug.
Dhismaha Maamulka Galmudug oo Dowlada Faderaalka Soomaaliya ay faragalisay Jun 2019, ayaan ilaa haatan lagu guulaysan in la dhameeyo Khilaafka ka taagan Dhismihiisaha.
