MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Maxamed Keerow Maxamed Gudoomiyaha Guddiga soo xulista Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in ay socoto howsha xulista Xildhibaanada.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in wada shaqeyn buuxda ay la leeyihiin Odoyaasha dhaqanka oo beelaha kasoo dhex xulaya Xildhibaanada, si ay ugu wareejiyaan Guddiga Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ugu magacaabay diyaarinta liiskooda.
Rajo wanaagsan waxa uu ka muujiyay in waqti kooban lagu soo gaba-gabeeyo diyaarinta iyo gudbinta Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed si ay u doortaan Guddoon cusub.
Maxamed Keerow Maxamed Gudoomiyaha Guddiga soo xulista Baarlamaanka Labaad ee Koofur Galbeed waxa uu ku baaqay in aan dhibaato keenin kuraasta Xildhibaanada, maadaama ay ku loolamayaan shaqsiyaad kala duwan oo ku hardamaya.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Odayaasha dhaqanka kala hadlay sidii ay usoo xuli lahaayeen Xildhibaanno ka tiro yar kuwa waqtigooda dhamaaday.
