Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka oo isbeddel lagu sameeyay

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. C/Raxmaan ayaa isbeddel ku sameeyay Guddiga Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiye Mursal ayaa isbeddel loogu sameeyay Xubanaha Guddiga,waxaa laga saaray xubno ku jiray halka kuwo cusubna lagu beddelay.

Xubnaha laga saaray waxaa ka mid ahaa  Guddoomiyihii Guddiga xildhibaan Cali Cabdi Cusmaan, Gudoomiye ku-xigeenkii xildhibaan Maxamed Cali iyo Xoghayihii guddiga maaliyadda xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur Xoghayihii Guddiga C/llahi Maxamed Nuur oo dhowr jeer dhalliil adag u jeediyey  Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi ayaa  warbaahinta ka sheegay in Wasaaraddu sameysay Musuqmaasuq.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Mustaqbal media

Read Previous

Madaxweyne Waare oo ku baaqay in la joojiyo Dagaal Beeleedka Maxaas.

Read Next

Afar ka mid ah Saraakiisha Booliska Kenya oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Mandheera