Golaha Wasiirrada oo magacaabaya Taliyaha NISA.

Kulanka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee maanta ayaa lagu wadaa in lagu magacaabo Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya.

Xilkan ayaa banaanaa lixdii bilood ee la soo dhaafay,waxaana iska casilay oo ugu dambeeyay Xuseen Cismaan Xuseen oo u tartamay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Magacaabista maanta waxaa ay noqoneysaa markii saddexaad oo labo sano gudahood hay’adda NISA ay yeelato taliye hoggaamiya.

Waxaa ugu horreeyay Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo xilkaas laga qaaday 29kii October kaddib weerarkii Naasahablood 2 ee dhacay 28kii October 2017kii.

Xuseen Cismaan oo ahaa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka ayaa xilkaas loo magacaabay kaas oo isna iska casilay,waxaana lixdii bilood ee ugu dambeysay hay’adda maamulayay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Agaasime ku xigeen ka ah Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya.

Laba sheegin magaca qofka uu noqonayo Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya,waxaase jira rag badan oo la hadal hayo.

Web master

Read Previous

Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka oo shaaciyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 5aad

Read Next

15 Qodob oo aad ahmiyad ku siin kartid naftaada.