Golaha Wakiilada Puntland oo maanta dhageysanaya Hadal jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shalay diiwaangeliyay 21-musharax oo u tarmaya Madaxweynaha iyo 11-kale oo iyanne ku haminaya Madaxweyne Ku xigeenka ayaa sheegay in maanta la dhageysanayo Hadal jeedintooda.

Golaha Wakiilada ayaa lagu wargeliyay in waqti dheer ay tagaan Xaruntooda si aan maanta u dhaafin ama dib ugu dhicin si doorashada berri loo qabto, guud ahaan Musharixiintane ay u qaataan Hadal jeedintooda.

Xildhibaan Cali Axmed Dhahar Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa rajo ka muujiyay in si nabadgalyo ah ay ugu soo dhammaato Doorashada.

Waxa uu tilmaamay in ay saaran tahay mas’uuliyin ballaaran, sidaa awgeed Xildhibaanada iyo Musharixiinta waxa uu ka dalbaday in ay ku garabsiiyaan, si looga mira dhaliyo hadalkooda.

Dhanka kale Musharixiinta qaar ayaa xalay ku kulmay Magaalada Garoowe si ay u sameystaan isbaheysi ay doonayaan in ay Doorashada kaga guuleystaan Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Kulankaan ayaa daba socda fadhi ay dhawaan yeesheen Musharixiinta kasoo jeeda Gobolka Nugaal oo ay kaga arrinsanayeen sidii codadka Xildhibaanada ay ka heystaan ay isku siin lahaayeen si midkood uu ugu guuleysto Madaxweynaha Puntland ee xafiiska joogaya 5-sano ee soo socota.

Waxaa indhaha lagu wada hayaa labada Shaqsi ee ku guuleysan karta Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka oo berri waqti hore loo ballansan yahay in ay dhacdo.

Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa doonaya in uu dib ugu soo laabto Xilka Madaxweynaha Puntland, halka Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Injireer Camey) uu ku haminayo in uu markale ku guuleysto Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Mustaqbal media

Read Previous

Jubaland oo sheegtay in ay wax ka qabaneyso cabashada Shacabka Gedo

Read Next

Taliyaha qeybta 27aad ee CXD oo sheegay in ay xirayaan dadka hurinaya colaadda Hiiraan