Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, waxaa kulanka shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka mudane C/weli Sheekh Ibrahim (Muudeey).
Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaariyay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, waxaana la marsiiyay habraacii golaha.
Dhamaan xildhibaanadii madasha fadhiyay ee 158 gaaraayay ayaa cod wada ogol ah ku ansixiyay, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Drs Foosiyo Abiikar Nuur ayaa golha shacabka kaga mahad celisay ansixinta hindise sharciyeedkan oo hada ka dib noqonayo sharci.
waxa ay tilmaantay muhiimada sharcigaan uu dalka u leeyahay iyo kaalinta uu ka qaadan karo hormarinta caafimaadka.
” Mudanayaal aad baa idiinkaga mahad celinaya ansixinta sharcigaan, wasaaradda caafimaadka hada ka dib waxa u fududaaneyso la xisaabtanka hay’addaha caafimaadka iyo dadka ku shaqeeya xirfadaan, sharcigaan waxa uu xakameynaya daawooyinka dalka soo galaya iyo ajaaniibta imaaneysa dalka”. ayay tiri wasiir Foosiya.
Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo mari doono aqrinta saddexaad.
Dhammaad.
Xafiiska Warfaafinta ee Golaha Shacabka.
Muqdisho-Soomaaliya.
