Golaha Iskaashiga D.Goboleedyada oo war-saxaafadeed ka soo saaraya go’aankii aqalka sare

Maamul Goboleedka Jubaland ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay Golaha aqalka sare ee ahaa isku daygooda ay ku doonayaan in xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada.

Wasiiru dowlaha  Madaxtooyada Maamulka Jubaland, Xirsi Jaamac ayaa sheegay in Golaha aqalka sare ay dadaaleen laakiin sida uu sheegay laga tagay qodobo muhiim ah oo ay ka mid tahay cadaaladda,in dowladda dhexe ay fuliso wixii horay loogu heshiiyay iyo qodobo kale.

Xirsi Jaamac ayaa sheegay in dowlad Goboleedyada ay dhawaan War-safaxaafadeed ka soo saari doonaan Qodobada ay soo saareen aqalka sare ee ay kaga hadleen khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada.

Golaha aqalka sare ee dalka ayaa shalay soo saaray qodobo ka kooban 8, oo ay ku sheegeen in ay yihiin tabashada dowlad Goboleedyada.

Guddoomiyihii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada waxaa uu ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilkaas iska casilay,waxaa ku xigeen u ah Madaxweynaha Galmudug oo la filayo in War-saxaafadeedkaasi uu ka soo boxo.

Mustaqbal media

Read Previous

Commander of United States Africa Command Visits Somalia

Read Next

Magacyada Dhallinyaro Somali ah oo argagixisanimo loogu qabtay sohdinta Mareykanka iyo Mexico