Qaar kamid ah Ganacsiga muhiimka ah ee Maraykanka oo la kulmay weerar dhinaca Internet-ka ah
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah maanta ka leh mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya loona soo gaabiyo AUSSOM iyo Amniga Dalka iyada oo Warbxinno laga dhagaysan doonno khubarro ka kala socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in shirkaan inta uu socdo lagu dhagaysan doonno Warbixinno ay soo gudbinayaan Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, Martin Kimani & Madaxa Howlgalka AUSSOM, El Hadji Ibrahima Diene.
Qodobada lagu lafagurayo shirkaan gaarka ah waxaa kamid ah: Mustaqbalka howlgalka AUSSOM, Dhaqaalaha iyo taageerada saadka ee ciidamada, Suurtagalnimada muddo kordhinta taageerada Qaramada Midoobay, La dagaallanka AS iyo qorshaha kala-guurka amniga Soomaaliya.
Fadhigaan gaarka ah waxa uu qabsoomayaa iyada oo saacado kahor Dowladda Maraykanka ay sannad dheeraad ah siisay taageerrada Xafiisks Qaramada Midoobay ee howlgalka Midowga Afrika taageera iyo isla AUSSOM oo howlgalkaan qudhiisa ah.
la soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
