Go’aanka Sucuudiga ee Daldalaadda 3 kamid ah culimada Sucuudiga ayaa dhaliyey argagax & hadal hayn Caalami ah

Cowda, Ciwad & Cumeyri

Warar loo dusiyey Saxaafadda  oo kusaabsan dil daldalaad ah oo ay xukuumadda Sucuudigu  kaddib bisha Ramadaan ku fulineyso 3 kamid ah Culimada iyo Indheergaradka Sucuudiga ayaa ka dhaliyey wewel iyo argagax bulsho gudaha boqortooyada Sucuudiga.

Dr Salmaan Cowda. Dr Ciwad Qarni iyo Dr Cali Cumari oo saddexduba kamdi ah culimada iyo aqoon yahanka diinta Islaamka ee Sucuudiga ayaa ah saddexda qof  ee xukuumaddu Sucuudigu go’aamisey iyada oo adeegsadat maxakamada Qarsoodi ah in la qaarajiyo, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo ururada u dhaqdhaqaaqa bulshada ayaa xukuumadda Sucuudiga culeys ku saaraya in ay ka joogsato go’aankeeda qaarajinta culimadaas.

Eedaha loo haysto culimadan  qaarkood waxaa kamid ah in aysan  illaa xad kufilan aysan u duceyn Boqorka.

In ay qaarkood Sameeyeen Ururo si cilmi ah u difaaca Aflagaadada ay qoraaga reer galbeedku u geystaan Nabi Maxamed iyo guud ahaan islaamka.

Human Rights Watch, Kongareyska Mareykanka iyo Waddano kale oo adduunka ah ayaa farriimo u diray Sucuudiga si loo hor istaago go’aanka kusaabsan daldalidda 3 daas Wadaad oo ay suuragal tahay in Sucuudigu fuliyo.

Sawirka: albawaba.com

General Editor

Read Previous

Xildhibaano ka socda Jabuuti oo Hargaysa kula kulmay Muuse Biixi.

Read Next

NISA oo sheegtay iney Muqdisho ku qabatay xubin Shabaab ah.