Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Garsooraha Soomaaliyeed ee dhinaca kubadda Cagta, Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa soo jeediyay in la helo Qalab Caafimaad iyo Dhaqaatiir khibrad fiican u leh dhaawac weliba oo halis ah oo qof ku naf bixi karo kaddib markii uu arkay muuqaallo badan oo laga soo duubay Garoomo kala duwan.
Cumar Cartan ayaa sheegay in Maamul weliba uu waajib ku yahay sidii loo heli lahaa labadaan arrin oo isku xiran isla markaana aan laga maarmin kahor inta aan dhallinyaro la isku keenin sida uu hadalka u dhigay Garsoorahaan.
“Inta aan dhalinyaro liisku keenin Dowlad kasta iyo Mamul kasta oo Sports waxa Waajib ka saaran in la helo Qalab caafimad iyo dhaqatiir Qibrad fiican u leh dhaawac walba oo halis ah qofka u naf bixi karo” Ayuu yiri Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan
“Badanaa Garoomadena malahan qalab caafimad oo dhameystiran oo buuxa” ayuu yiri Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan isaga oo sii raaciyay “Dhawac walba oo qofka gaaro Dawadisa waa Baraf uun”.
Fariin gaar ah ayuu u diray Ciyaartoyda sida xad-dhaafka ah u dheela kubadda ee inta badan meelaha halista ah ku dhufta ama ka beegsada ciyaaryahanka uu raacayo xiligaas, waxa uu usoo jeediyay in ay raacaan nidaamka kubadda Cagta.
“Mida kale in qof caqli isticmalaya uu sidan oo kale kubbad kor jirta qofna kaga horeyo asaga oo aanan ka taxadarin sxbkis uu sidan u dheelo waa caqli yari” Sidaasi waxaa yiri Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo qoraalkaan soo dhigay Bartiisa Facebook.
Xiriirka Soomaaliyeed iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada ayaa la sugayaa jawaabta ay ka bixiyaan arrintaan uu muujiyay Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo kamid ah Garsooreyaasha safka hore xiligaan uga jira kuwa Afrika.
Mustaqbal
