Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa la sheegay in ay ka qaybgalayaan Xafladda lagu caleemo saarayo Hoggaanka cusub ee maamulka Waqooyi bari Soomaaliya ee dhowaan la doortay.
Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tagaya Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool oo dhanka kale Caasimad u ah Maamulka Waqooyi bari.
Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima Cade) oo ah Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa ka qaybgalayaan Xafladdaas.
Madaxda Sare Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dhismaha iyo doorashooyinka Guddoonka Maamulka Waqooyi bari, waxa ay ka rajeeyay in uu wax qabad muuqda u qabto Bulshada ku sugan Gobollada Sool, Sanaag & Cayn.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aya safarkiisa Laascaanood u noqonaya socdaalkii ugu horreeyay uu ku tagayo halka Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre markiisii labaad u noqonaysa sida qorshuhu yahay haddii safarkaan u suuragalo.
Mustaqbal
