Farsight Africa: kalsoonida shacabka ee Madaxda dowladda,AMISOM iyo QM oo hoos ayy u dhacday.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda  Farsight Africa, ayaa muujisay hoos u dhac ku yimid kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan madaxda dowladda Federaalka ah,kuwa Dowlad Goboleedyada,howlgalka AMISOM, Qaramada Midoobey,Garsoorka Dalka, Ciidanka,Baarlamaanka iyo Golaha wasiirrada.

C/risaaq Maxamed Aadan  oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi Baaristaan sameysay ayaa sheegay in cilmi baarista laga sameeyey gobolada Soomaaliya, isaggoo xusay inay soo arruuriyeen aragtida 1,500 oo qof oo ay wax ka weydiiyeen arrimaha amniga,  dhaqaalaha dalka iyo kalsoonida Shacabka ay ku qabaan hay’addaha dawladda.

Warbixintan oo  laga sameeyay lix gobol oo dadka jooga laga sameeyay ra’yi ururin ayaa muujineysa in madaxda dalka iyo dhamaan inta kale ee qiimeynta lagu sameeyay ay sanadkan 2018 lumiyeen ugu yaraan 20% Kalsoonida dadka Soomaalida ah.

Tusaale,Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa uu Sanadkii 2017 heystay 86%,halka Sanadkan 2018 uu ka heysto 67%,waxaana uu lumiyay 19%.

Midig: Baashe Yuusuf Axmed, guddoomiyaha maxkamadda sare, Dhexda: Madaxweyne Farmaajo, Bidix: Rw Xasan Cali Kheyre

67% oo ah kalsoonida shacabka kaqaybgalay ee madaxweyne Farmaajo ayaa ah ambar sare oo wanaagsan, inkasta oo ay ka hooseyso heerkii ay taagnayad 2017

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sanadkii hore heystay 83% kalsoonida shacabka,waxaana uu hadda marayaa 62%,isaga oo lumiyay 21%.

Aragtida dadweynaha ayaa muujisay in Baarlamaanka kalsoonidiisa ay hadda mareyso 50%,halka sanadkii hore uu ahaa 73%,waxaana uu lumiyay 23%.

Golaha Wasiirrada ayaa sanadkii hore heystay 86%,halka ay hadda heystaan 49%,waxaana ay lumiyeen 37% kalsoonida shacabka.

Garsoorka dalka ayaa sanadkii hore heystay kalsooni shacab oo gaareysa  79%,waxaa uu hadda marayaa 36%,isaga oo lumiyay 435 kalsoonida shacabka.

Kalsoonida ay Booliska ku qabaan shacabka ayaan waxbadan hoos u dhicin,waxaana sanadkii hore ay ahayd 74%,waxaa ay hadda mareysaa 61%,waxaana uu booliska lumiyay 13%.

Milatariga ayaa sanadkii hore heystay 88% kalsoonida shacabka,waxaa uu sanadkan heystaa 63%,waxaana uu lu miyay25%.

Qaramada Midoobey ayaa sanadkii hore heysatay 73% kalsoonida shacabka halka ay hadda mareyso 48%,waxaana ay lumisay 23%.

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sanadkii hore heystay 59% kalsoonida shacabka,waxaa uu hadda marayaa 39%,waxaana uu lumiyay 20%.

Jihada ay Madaxda dalka ku hagayaan.

Aragtida dadka ku nool lixda gobol ee daraasaddan laga sameeyay ayaa muujineysa in 48% ay hoggaanka dalka meel saxan ku wadaan waddanka,halka  16% aysan kala saari Karin,waxaana 24% ay qabaan in jiho qaldan lagu wado dalka.

Dadka ra’yi ururintan ka qeybgalay.

56% waxaa ay ahaayeen Rag,halka 44% ay Haween ahaayeen..

Waxbarashadooda.

3% dadka su’aalaha la weydiiyay waxaa ay heystaan shahaado dhaafsan Master, 31% darajada 1aad, 25% dugsi sare, 17% dugsi hoose, Dugsi Qur’aan, waxaa ay gaarayaan 7%, dadka aan waxbarashada ku jirin waxaa ay gaarayaan 18%.

Da’da dadka la wareystay.

18-24 sano,waxaa jira 19%, 25-34,waxaa jira 42%, 35-44, waxaa jira 23%, 45-54 waxaa jira 11% halka 55 iyo wixii ka bandanna ay gaarayeen 5% .

Gobollada laga sameeyay iyo tirada dadka.

Gobollada waxaa ay kala yihiin, Banaadir, Baay,Galguduud,Hiiraan,Jubada hoose, iyo Nugaal,waxaana dadka guud ahaan ay gaarayaan 1505 Qof.

Jawaabta xukuumadda
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Danjire Daahir Geelle ayaa sheegay in xukuumaddu Soomaaliya soo dhoweyneyso, waxa uu intaas kudaray in uu ku faraxsan yahay in dadka Soomalaiyeed ee la wareystay ay muujiyeen in dowladdu dhinac sax ay ku socoto

Isha:Farsight Africa Group.

Turjumay: Mustaqbal Radio

 

 

Mustaqbal media

Read Previous

Indha-qarshe: ‘ sanadka soo socda Al-shabab waan ka saareynaa dalka’

Read Next

Real Madrid oo markale la garaacay, iyo Tababare Lopetegui oo mustaqbalkiisa mugdi galay.