Faah-faahin kasoo baxeysa Nin Ajnabi ah oo Xabsiga Dhexe lagu Dhaawacay.

Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Wararka laga helayo Xabsiga Muqdisho ayaa sheegaya in labo katirsan Maxaabiista xabsiga ay weerar ku qaadeen nin Ajnabi ah oo u dhashay Ingiriiska.

Weerarka ayay u adeegsadeen Sakiir ay qoorta kaga sareen Ninkaan oo dhowaan Xasiga Dhexe loo dhaadhiciyay kadib markii lagu qabtay walxa looga shakiyay in uu la raaci rabay Diyaaradda Ethiopian Airlines.

Maxaabiistan ayay wararku sheegayaan in ay ka tirsanaayeen kooxda Daacish xalayna ay ku dhaawaceen Xabsiga dhexe ee Muqdisho ninkan Ajnabiga ah ee lagu magacaabayay Anthony Thomas.

Ilo wareedyo ku dhow Xabsiga Dhexe ayaa inoo sheegay in ninka Ajnabiga ah xaaladiisa ay wanaagsan tahay, durbadiiba dhaqaatiirta Xabsiga ay ka daaweeyeen sakiintii qoorta looga jeexay.

Warar hor leh oo mustaqbal ay heshay ayaa sheegaya in Labadan horay loogu xukumay min Toban sano.

Arrintan ayaa ah mid ugub ah in maxaabiis u xiran falal Al-Shabaab iyo daacishnimo in Xabsiga dhexdiisa ay ku weeraraan qof Maxbuus ah, waxaana ninka ajnabiga ee ku xiran Xabsiga Dhexe ay horay u amartay Maxkamadda Gobolka Banaadir in lagu sii haayo xabsiga.

Thomas oo 48 sano jir ah ayaa waxaa loo heystaa isku day qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka waxyaabaha Qarxa.

Ilaa hadda Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska kama aanay hadlin dhaawaca Anthony Thomas loogu geystay Xabsiga Dhexe.

Mustaqbal media

Read Previous

Ciidankii Jabuuti ee lagu weeraray Shabeelaha Dhexe oo gaaray Jalalaqsi.

Read Next

Ahmed Shide criticises reports of party split, denies involvement to oust president