Ergeyga Midowga Yurub ee Ciraaq oo Isbitaal la dhigay kaddib markii uu cabay Biyo wasaqeysan

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Dalka Ciraaq Ramon Blecua,ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla Magaalada Basra ee Koofurta dalkaas.

Ergeyga ayaa la sheegayaa in uu cabay Biyo wasaqeysan iyada oo Magaalada Basra ay ka jirto biyo la’aan baahsan.

Dhaqtar ka tirsan Hay’adda UNICEF oo baaris ku sameeyay Ergeyga ayaa ogaaday in xanuunka Isbitaalka loo dhigay uu yahay biyo wasaqeysan oo uu cabay.

Ramon Blecua,ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu ku xanuunsaday biyaha wasaqeysan ee Magaalada Basra,halkaas oo uu booqasho ku joogo.

Maagalada Basra in kabadan 90,000 oo qof ayaa Isbitaalka la dhigay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay kaddib markii ay biyo wasaqeysan cabeen.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay Magalada Basra waxaa ka taagnaa rabshado ay sameynayaan dadka shacabka ah oo ka cabanayay heerka nolosha oo aad u liita,waxaana dab la qabadsiiyay Qunsuliyadda Mareykanka ee Basra.

Mustaqbal media

Read Previous

Manchester United oo ku raad joogta daafac Bayer u ciyaarah.

Read Next

Kenya oo raadineysa Askar ay 2011kii ku weysay Somaliya