Eden Hazard Oo Ku Guuleystay Abaamarinta Xiddiga bisha.

Xidiga Kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa ku guuleystay xiddigii ugu fiicnaa Premier League bishii Spetember isaga oo abaalmarinta  ku garaacay xiddiga dhowr ah.

Xiddiga reer Belguim ayaa dhaliyay 5 gool 4 kulan isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay sii wadato rikoorka guul daro la,aanta horyaalka ilaa haatan.

3 ka mid ah goolasha uu dhaliyay ayaa yimid kulankii ay Chelsea la ciyaartay Cardiff City halka uu sidoo kale Hazard shabaqa soo taabtay kulamadii Bournemouth & Liverpool.

Markan ayaa ah markii 2-aad ee uu Xiddigu ku guulaysto abaalmarinta bilaha loo bixiyo ee premier League isaga oo markii hore ku guulaystay October 2016.

27 jirkan ayaa abaalmarintan ku garaacay shan xiddig oo kale kadib markii uu helay codkii ugu badnaa ee ay bixiyeen khabiirada iyo taageerayaasha premier League.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Madaxweyne Farmaajo oo Soo dhoweeyay Xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya.

Read Next

Madaxweyne Farmaajo “Maanta waa maalin weyn oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay in aan dalkeenna dib ugu dhisnno.”