Duufaan xooggan oo ku dhufatay Dalka Jamaica

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen duufaan xooggan oo ku dhufatay Dalka Jamaica ee dhaca marin biyoodka lagu magacaabo  the Caribbean ee u dhaxeeya Koofurta & Waqooyiga Ameerika.

Duufaantaan oo loogu magac daray Melissa waa duufaanta qaybta 5aad marka la eego duufaannada ugu daran caalamka soo maray ee saamaynta taban ku reebay dalalka ay ku dhacday sida ay sheegeen dadka ku takhusay cilmiga lagu ogaado.

Xawaaraha dabayshu waa 175 mph (282KM/H), Duufaantu waxaa laga cabsi qabaa in ay sii xooggaysto isla markaana ay gaarto Dalalka dhaca Jasiiradaha Biyaha ah ee u dhaxeeya Waqooyiga iyo Koofurta Ameerika.

Duufaanta ayaa la sheegay in ay horay usoo martay Dalalka Haiti iyo Dominican Republic waxaana ku dhintay wadarta labadaas Dal 4 qof inkasta oo uu jiro dhaawacyo kale oo soo gaaray Dadka sida xogaha la helay ay muujinayaan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Mareykanka kala hadlay dagaalka AS iyo amniga gobolka

Read Next

Puntland oo xal u raadinaysa dilalka aanooyinka la xiriira ee Gobolka Mudug