Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in maamulkiisa uu dagaal xooggan la galayo Dad uu ku tilmaamay in ay bulshada ku dhex faafinayaan dhaqan-xumo ay ka keeneen meelo kale.
Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Hay’adaha Ammaanka Faray in ay mas’uuliyad weyn iska saaraan arrintaan maadaama ilaalinta dhaqanka waajib weyn uu ka saaran yahay sida sugidda Amniga oo kale.
Madaale ayaa tilmaamay in dagaalkii ka dhanka ahaa walxaha maanka-dooriya, Ciyaar weerada & Burcadda caasimadda dhibaatada xooggan ka geysanayay Caasimadda oo kale ay la galayaan Dadkaas ku howlan dhaqan-xumada.
Ma sheegin goobo gaar ah oo ay degen yihiin Dadkaas balse waxa uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan oo xogtooda hayaan Dad kireystay guryo ku yaalla Caasimadda si ay u faafiyaan xumaanta ama dhaqan-xumada isaga oo ku eedeeyay in lagu maalgeliyo.
“Wiilasheenna & Gabdhaheenna in dhaqankooda looga dheelo ma aqbaleyno, Dad aa lacag ku qaatay sidii dhaqan-xumadaas loo faafin lahaa, waxa aan ula dagaalami doonnaa sidii kuwa daroogada isticmaalayay oo kale, Hay’adaha Amniga waa in gacan-bir ah ku qabtaan, ilaahay idinkaas waan ka dabatagi doonnaa” Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhaqan-xumada, Amni darrada, Walxaha maanka-dooriya & Burcadda ay dhibaatooyin xooggan ku yihiin horumarka Caasimadda balse loo baahan yahay in wax laga qabto iyada oo maamulka & Shacabka wadajir isu kaashanayaan.
Mustaqbal
