Duqa Muqdisho: “Degmooyinka cusub waxaa laga rabaa wixii degmo laga rabo sida Saldhig, Amni, Garsoor & Canshuur”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa soo dhoweeyay Saddexda Deegaan ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u aqoonsaday in ay noqdaan Degmooyin.

Yuusuf Madaale ayaa sheegay in Deegaannadaan ay ka gudbeen shuruudaha ay Degmooyin ku noqon karaan sidaasina ay ku yihiin wixii haatan ka dambeeya Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir oo wadartoodu gaarayso 20 Degmo.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi in uu kaalin wayn ka qaatay muddadii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka.

“Waxa aan sugaynaa in Gobolkaan Banaadir sanduuq la dhigo ee lagu kala baxo lagana gudbo Oday Hebeloow hebel soo qor, Degmooyinka cusub ee Gobolka Banaadir waxaa laga rabaa wixii degmo laga rabo sida Saldhig, Amni, Garsoor & Canshuur Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Gobolka Banaadir waxa uu ka kooban yahay 20 Degmo marka lagu daro saddexda cusub ee xalay la aqoonsaday waxa ay guud ahaan kala yihiin: 1-Warta Nabadda, 2-Howlwadaag, 3-Hodan, 4-Waaberi, 5-Xamarwayne, 6-Xamar-jajab, 7-Shangaani, 8-Boondheere, 9-Shibis, 10-Cabdicasiis, 11-Kaaraan, 12-Yaaqshiid, 13-Hiliwaa, 14-Dayniile, 15-Wadajir, 16-Dharkaynley, 17-Kaxda, 18-Daarusalaam, 19-Gubadley & 20-Garasbaaley.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Madaxweynihii Iiraan & Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda oo la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Shil Diyaarad.

Read Next

Dagaal culus oo u dhaxeeya Xamaas & Israaiil oo ka socda Magaalada Gaza.