Duqa Cusub ee New York oo ku dhaqaaqaya tallaabo ka dhan ah Qorshaha Donald Trump

Zohran Mamdani oo loo dhaariyay xilka ah Duqa Cusub ee Magaalada New York uuna ku guulaystay Bishii November sanadkii 2025 ayaa loo dhaariyay xilkaas, waxa uu ballanqaaday waxyaabo badan oo ay soo dhaweeyeen dadka goobta ku sugnaa.

Duqa New York ayaa ugu horrayn sheegay in uu dib usoo celinayo midnimada Dadka Magaaladaas, marka xigta waxa uu tilmaamay in uu xoogga saarayo adeegyada muhiimka u ah Bulshada oo heer hoose gaaray sanadihii lasoo dhaafay.

Mamdani ayaa ku dhawaaqay hadal la sheegay in uu dhibsan doonno Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ah in uu ka shaqaynayo midaynta Bulshada Muslimiinta ah iyo kuwa kale ee aan Muslimka ahayn ee wada nool.

Maamulka Donald Trump oo muddo dhinac u riixayay Dadka Muslimiinta isla markaana kahorgaynayay Dadka aan Muslimka ahayn waxa uu Duqa New York ballanqaaday wax wada qabsi iyo is qadarin in uu dhexdhigi doonno.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Hadal heyn ka dhalatay tillaabo ay ku dhaqaaqeen dad u dhashay Israa’iil oo tagey Hargeysa

Read Next

Ciidanka Israa’iil oo Carruur ku toogatay Magaalada Gaza