Dowladda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay hawlgal ay ka sameeyeen deegaanka Dharaarweyn ee hoostaga magaaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Hawlgalka ayaa lagu sheegay in lagu dilay xubno kamid Al-shabaab, iyada oo halkaas lagu gubay gawaarida loo yaqaanno nooca Cabdi Bilaha iyo hub iyo rasaas.
Halkaan hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka:-

Muddooyinkii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa wadday hawlgallo ka dhan Al-shabaab, iyaga oo ka sammeyneysay deegannada hoostaga magaaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud; haddana la filaayo in ay ka sii sameeyaan deegaanno u dhow Cowsweyne.
Mustaqbal
