Dowladda Soomaaliya oo hakisay in dalka Masar loogu safro oggolaanshaha OK-to-Board

Dowladda Soomaaliya ayaa si ku meel gaar ah u hakisay in dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safarka ee loo yaqaan (OK-to-Board), ka dib caqabado ku yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalayay dalka Masar maalmihi lasoo dhaafay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula socotay caqabadaha ku yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalayay Dalka Masar maalmihi lasoo dhaafay.

Sidoo kale warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ku wargalisay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Masar in Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar loogu safri karo dal-ku-galka rasmiga ah oo ay bixiso Qunsuliyada Masar oo kaliya.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay xoojinaysaa xiriirka socdaalka iyo saaxiibtinimada ee ka dhaxeysa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar,” sida lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda.

May be an illustration of text

Amarkaan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dhib ku qabeen garoomada dalka Masar ka dib markii Baraha Bulshada lagu faafiyay sawirro laga soo qaaday Shacabka Soomaaliyeed oo ku dhibaayeysay Garoonka Qaahira.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Maxaa ka soo cusboonaaday Wadahadallada u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan?

Read Next

Maamulka Cabdiraxmaan Cirro oo culays gudaha & Mid dibadda ah dareemaya