MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Ciidamada Amniga ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose in ay soo xiraan Shaqsiyaad sheeganaya qabiil oo hadalo naceyb ah isku mariyay hawada.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa lagu sheegay in aan la oggolaan karin faafinta colaad, naceyb iyo qalqalgalinta Amniga.
“Wasaaraddu waxay ka digaysaa in kooxaha argagixisada iyo qaswadeyaasha ay isku dayaan inay ka faa’iideystaan xaalad kasta oo nugul si ay u fuliyaan ajandayaal wax u dhimaya nafta, hantida, amniga qaranka, xasilloonida bulshada iyo dowladnimada” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

Mustaqbal
